Madaxweynaha Jubaland oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
April 1, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Dhammaan shucuubta muslimka ah Ummada Soomaaliyeed iyo shacabka Jubaland ugu Hambaleeyay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag uu dalku ku jiro oo ay kamid yihiin abaaraha iyo doorashooyinka oo uu rajo Wanaagsan ka muujiyay inay si nabdoon oo Wanaagsan ku dhamaan doonan.
Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaatan afurinta dadka walaalahood ah ee aan waxba haysan isla markana bishan ay tahay mid barako iyo khayr badan oo ku jiro caawinta dadka tabaalaysan.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu faray hay’adaha ku shaqada leh inay canshuur dhimis u sameeyaan waxyaabaha aas aasiga ah inta lagu guda jiro bishan barakaysan isagoo sidoo kale ku booriyay ganacsatada inay dhowraan qiimaha saxda ah ee maciishada noocyadeeda kala duwan gaar ahaan shidaalka iyo rashiinka si looga fogaado sicir barar ku yimaada waxyaabaha daruuriga ah.
Halgan.net