Madaxweynaha Koofur Galbeed oo shir looga hadlayay doorashada la qaatay xildhibaanada Koofur Galbeed.
April 7, 2022 - Written by EditorBaydhabo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka dalka la qaatay Xildhibaanada laga Doortay Deegaanada Koofur Galbeed wuxuuna kula Dardaarmay inay muujiyaan isku duubni Midnimada iyo Wadajirka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa yiri “Aniga oo 20 jir ah ayaan diidey isbaaro qori wadato, maanta aniga oo 50 jir ah oo la joogo 2022 oo aan ahay madaxweynaha KGS walaahi aanan aqbaleynin isbaaro”
Madaxweyne Laftagreen oo sii hadlayay ayaa yiri”Rooble isbaaro ayuu noo dhigey, wuxuu rabaa mid gurigiisa ka shaqaynaya in aan xildhibaan ka dhigno isaga oo Boosaaso, Gaalkacayo Dhuusamarreen looga soo diiddey waxa uu ka rabo Koonfur Galbeed ”
Hoos ka Daawo Hadal Jeedinta Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen
A/Cawale
Baydhabo