Ra’iisul Wasaaraha XFS oo habka fogaan arag shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta

April 9, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha turxaan bixinta u baahan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.

Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay.

Dhanka kale Midowga Musharrixiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.

Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online