Wa-Saxaafadeed Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur.
April 21, 2022 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaan ka xumahay waxii Caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxaan alle naxariistii jano uga baryayaa askarigii ku geeriyooday Falkaasi sidoo kale Waxaan Caafimaad taama urajaynayaa iyo in alle ubooga dhayo Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Askartii ku dhaawacantay Falkasi.
Waxaan rabaa inaan ucadeeyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland falkii dhacay caawa masuuliyadeeda waxaa iska leh Wasiirka Arimaha Dibada DFS Cabdisiciid Muuse oo Magaalda Gaalkacyo uyimid ka mira dhalinta siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta Amniga Guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug.
——-Dhamaad—-