Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo xilka la wareegay
May 29, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.
Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’addaas Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Mahad Salaad ayaa hogaanka hay’adda NISA si rasmi ah xilka ugala wareegay Yaasiin Fareey oo si Ku-meel-gaar ah xilkaas u hayay, tan iyo markii xilka laga qaaday Fahad Yaasiin Xaji Daahir oo 3 sano ka badan soo hayey xilka.
A/Cawale
Halgan.net