Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa oo xilka la wareegay.

May 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Ku-xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa,Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Ugu danbeyn, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Dalka.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online