Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo kulan la qaatay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada

May 17, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan salaan iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka uga mahad celiyey doorkoodii wax-ku-oolka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinka dalka oo gundhig u ah xasilloonida iyo horumarka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo ku aaddan guushii uu ka gaaray doorashada, iyaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

no images were found

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2022
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online