Ciidanka DFS iyo kuwa deegaanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Waxbo.
November 9, 2022 - Written by EditorCeelbuur:-Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawisley ayaa sibuuxda la wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud .
Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa Ciidamada DFS iyo kuwa Macawisley ayaa laba jiho ka weeraray kooxda Khawaarijta waxaana u suurta gashay ciidanka dib u xoreynta in ay la wareegaan deegaanka Waxbxo.
Dagaal xooggan ayaa waxa uu ka socdaa deegaan u dhaxeeyo Wabxo iyo sidoo kale Ceelbuur waxaana ciidamada ay doonayaan in la wareegaan Degmada Ceelbuur.
Afhayeenka Wasaarada Difaaca Ee JFS Gen Cabdulaahi Cali Caanood oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in ay Wabxo ciidanka DFS ay qabsadeen
Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ayaa waxay shegeen in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Wabxo oo qiyaastii 43-KM u jirta Degmada Ceel-buur ee g/Galgaduud waxayna wacad ku mareen in kooxda Khawaarijta ee dib badan ku heyay dad deegaanka aysan ka Hari doonin .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net