Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Puntland
November 4, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DPL iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro.
DHAMMAAN