Madaxweynaha Hirshabeele oo booqday deegaanada laga Xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.
November 6, 2022 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hishabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.
Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil waxaa deegaanka Nuur dugle kusoo dhoweeyay Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole,
Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegannada laga xureeyay khawaarijta oo ay ka muuqdeen raadadka gumeysigii ay ku hayeen bulshada deegaannada.
Masaxweyanaha ayaa tilmaamay in khawaarijta alshabaab ay ka carareen dhamaan deegaanadaan oo ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga xureeyay ayna ka jirin wax horumar ah, Ciidamadana ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada aadan yabaal.
Madaxweynaha ayaa shacabka deegannadaan ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan ciribtirka kooxdaan khawaarijta ah oo marwalba u taagan xasuuqa shacabka.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE