Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya
November 8, 2022 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.
Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland, Iyadoo Dowladda Germany sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada iyo Iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Mashaariicda ay ka taageeraan Hay’adaha Dowladda Puntland iyo doorkooda ku aadan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland.
——–DHAMMAAD——
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.