Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Kuliyadda lagu tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.[Video/Masawiro]

November 10, 2022 - Written by Editor

Djibouti:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Djibouti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Djibouti uga mahad celiyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Djibouti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Djibouti oo dib-u-yagleelidda dowladnimadeenna udub dhexaad u aheyd, taageera dhinca waliba ahna la garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ciidamado hiil walaalna ay ka joogaan dalka ayaa qeyb ka ah dalalka sida joogtada ah ciidamada ugu tababara dalkeenna Soomaaliya.

no images were found

———
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online