Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed oo geeriyooday
March 23, 2012 - Written byWaxaa saaka saacadu markii ay ahayd 4-tii subaxnimo ee ku geeriyooday magaalada Abu Dubia Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmihii u danbaysay waxaa lagu daweynayey Isbitaalka Sh Zaayid Hospital.
Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa in ka badan 40 sanno ku soo jiray loolan siyaasadeed oo dhinacyo badan ah ee ka jiray dalka Soomaaliya waxaan uu ahaa Hogaankii ugu horeeyey ee Milateri oo sameeyey Jabhad hubaysan oo ka soo horjeeda dowladii Kacaanka ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Gen Maxamed Siyaad Bare. Col Cabdullaahi ayaa ahaa aasaasihii Maamulka Puntlland waxaan xilka talada Puntlland uu hayey mudo dhan 8 sanno isagooo markii danbe xilka ka degay una wareegay hogaanka dhinac DFKM , Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa ilaa intii uu ku jiray siyaasada dalka Soomaaliya waxaa uu dagaalo dad badan ku dhinteen la galay dowlladii Kacaanka , ururkii Al-Itixaad Islaami oo dagaal uu ku dhexmaray degaanada Puntlland iyo ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee iyagu ku hareereeyey magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo talis u ahayd DFKM ee uu Madaxweynaha uu ka ahaa Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynihii hore ee DFKM Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ifka kaga tegay hal xaas ah iyo 4 caruur ah oo kale ah 2 wiil iyo 2 gabdhood. Ilaa hadda ma cada halka la doonayo in lagu aaso Marxuun Cabdullaahi Yuusuf Axmed , siyaasiyiin iyo hogaamiyaal ka kala tirsan DFKM iyo dowllada Puntlland ayaa wada xiriir ay ka yeelanayaan goobta rasmiga ah ee lagu saasi doono Madax weynihii hor e ee DFKM Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la shaaciyo.
M_M_Deeq
Halgan.net