Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya ah oo galay degmada Dhuusomareeb
March 24, 2012 - Written byCiidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gawaarida Tikniko ah ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka soo gaareen degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxaana ay ciidamada ka yimadeen Degmada Guriceel
Ciidamadaan ayaa lagu soo waramayaa in ay dageen gudaha iyo duleedka Degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo maalmo ka hor weerar ku qabsaday Degmada Dhuusomareeb.
Dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaargarow ayaa waxaa wada ciidamada Al-Shabaab ee saldhiga ku leh degmada Ceelbuur oo 100-km dhinaca bari ka xigta Degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Farey ayaa sheegay in xoogaggooda ku sugan gooblka Galgaduud ay ka warhayaan ciidamada Itoobiya ee duuleenka ku soo ah Degmada Ceelbuur wuxuuna sheegay in ay u diyaar garoobeen.
Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha Soomaaliya ayaa qabsaday degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Xudur oo ay horey uga talin jireen Ururka Al-Shabaab.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net