Dagaal ka dhacay degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose
March 28, 2012 - Written byKismaayo:-Ciidanka DFKM oo ay kaabayaan ciidanka dalka Kenya iyo ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 askari oo ka wada tirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyey.
Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka ururka Al-shabaab ay weerareen Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan kuwa dalka Kenya
oo fariisamo ku lahaa degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose, dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud.
Sarkaal u hadlay ciidanka DFKM ayaa sheegay in ilaa 2 askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayna iska difaac een weerar uga yimid ciidamada ururka Al-shabaab.
Dhinac kale Sarkaal u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidankooda ay ciidanka DFKM iyo kuwa dalka Kenya ay ka dileen in ka badan ilaa 10 askari khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen isagoo sheegay in ay ciidankooda ay ku soo laabteen fariisamihii ay ka duulaan tageen .Degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa hadda waxaa gacanta ku haya weli ciidamo taageersan DFKM iyo kuwa dalka Kenya.
Ma jiraan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan kuwa dalka Kenya iyo ciidanka Al-shabaab oo bilihii la soo dhaafay baneeyey fariisamo iyo degaano ay ka talin jireen oo ku yaal Gobolka Jubada Hoose
A/Cawaale
Halgan.net