Ururka Midowga Afrika, QM iyo urur goboleedka IGAD oo Warsaxaafadeed soo saaray

May 1, 2012 - Written by

Nairobi:-Ururka Midowga Afrika, QM iyo urur goboleedka IGAD ayaa galabta si wadajir ah waxay u soo saareen warsaxaafadeed iyaga oo digniin u diray kooxaha ka soo horjeeda Roadmap-ka iyo in laga gudbo ku meel gaarka loona gudbo dowlad rasmi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in ay socdaan  dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilga ku meelgaarka iyo ansaxinta Dustuur ay yeelaneyso TFG warmurtiyeeka ayaa waxaa kale oo uu xusay in ay jiraan kooxo raba in ay carqaladeeyaan qaabkii looga gudbi lahaa marxalada adeg ee dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ay galabta si wadajir ah u soo saareen Ururka Midowga Afrika, QM iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in kooxna aysan horisaagi karin dadaallada ay wadaan Ururka Midowga Afrika, QM iyo urur goboleedka IGAD waxayna sheegeen in talaabo ay ka qaadi doonaan cidii horistaagta.

Warmurtiyeedka ayaa waxaa si  wadajirka ah ugu saxiixan ergayga xoghayaha guud ee UN-ka ahna wakiilka Soomaaliya, Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, Abubakar Diarra iyo mas’uulka IGAD u qaabilsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Kiprutu Arab Kirwa.

Warsaxaafadeedkan galabta ay soo wada saareen Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka horeeyey goodi iyo cagajugleyn ay soo saareen DFKM waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay DFKM lagu sheegay in kooxo qaswadayaal ah ay ka soo horjeedaan Roadmap iyo ansaxinta Dustuurka DFKM dowladana ay talaabo ka qaadi doonto .

Nuqul ka mid ah Warmurtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen Ururka Midowga Afrika, QM iyo urur goboleedka IGAD hoos ka akhriso.
AU_UN_IGAD_

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online