Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Taiwan, kuna hanjabtay tallaabo
August 18, 2020 - Written by EditorDowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay tallaabooyinka ay qaadeyso Taiwan, oo ay dowladdu ku sheegtay inay yihiin kuwa ka hor imaanaya madax bannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “dowladda federaalka ah ee Soomaalya waxay cambaareyneysa isku dayada masuuliyad darrada ah ee Taiwan ay ugu xad-gudbeyso madax bannanida jamhuuriyda federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbida sharafka dhuleed.”
Warka ayaa lagu sheegey in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kaste oo ka mid ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ku difaaceyso midnimada dalka, madax bannaaninda, sharafka dhuleed iyo madax bannaanidiisa siyaasadeed.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Taiwan ay sheegtey in xafiis siyaasadeed ay ka furatay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
VOA Somalia
Halgan.net