Ciidanka Booliska gobolka Bari oo qabtay koox dil ka geystay Degmada Carmo.[Video]

September 9, 2020 - Written by Editor

Carmo:-Taliska ciidanka Booliska gobolka Bari ee Puntlan d ayaa waxaa laga soo xigtay in lagu guulaystay in lasoo qabto kooxo dhagarqabayaal ah oo dil ka geytay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari oo kaashanayey dadweynaha degmada Carmo oo sameeyey howl gal ayaa waxaa ay ku guulaysteen mud dhan 48 saac wax ka yar in ay qabtaan gacan ku dhiig layaal dil ugu geystay degmada Carmo Taliye ka tirsan ciidanka Booliska Gobolka Bari.

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in la qabtay kooxda dilka u geystay Taliyaha si dhaqso ahna loo soo taagi doono Maxkamada.

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu u mahad celiyey shacabka degmada Carmo waxaa uu ugu baaqay dad weynaha in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo qabto dadka nabadiidka ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online