Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo daahfuray Shirka Maamul daadejinta Puntland
September 20, 2020 - Written by EditorMadaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland.
Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan-lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND