Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare DFS.
September 21, 2020 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad.
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND