Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay sababaha ay ku diidan yihiin dastuurka DFKM(Dhageyso)

May 17, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa  markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ay ku diidan yihiin Dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM kaas oo khilaaf ka dhexabuuray DFKM iyo Puntland .

Madaxweynaha Puntland ayaa wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in DFKM ay ka baxday heshiiisyo ay saxiiday sida Garoowe1-2 ,shirkii Muqdisho lagu qabtay  iyo shirkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in la tixgaliyo heshiiskii 2004 kaas oo dhigayey in dowlada Soomaaliyeed ay noqoto mid Federaal ah.

Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku shiraan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimo ku saabsan dhamaystirka Dastuurka qabyo qoraalka iyo awood qeybsiga.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa sheegay in uu u tagayo magaalada Addis ababa halkaas oo shir loogu qabanayo Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka oo kala ah DFKM ,Puntland,Galmudug iyo Ahlusuna.
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/1rbu4x97qs/dastuur.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online