Wasiirka arrimaha gudaha PL oo safar shaqo ku tegay Xiriiro.[Masawiro]
December 1, 2020 - Written by EditorXiriiro:-Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Deegaanka Xiriiro ee Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Puntland, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari, xildhibaano ka tirsan Puntland Maamulka Degmada Isku-Shuban.
Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo Wacyigalinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban iyo wax ka ogaanshaha baahiyaha aas-aasiga ee deegaanka Xiriira.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Xiriiro ku soo dhaweeyey maamulka Deegaanka, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Deegaanka Xiriiro ee Degmada Isku-Shuban.
no images were found
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.