Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland oo qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Gal-Mudug
December 25, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafti uu hoggaaminayo.
Madaxweynaha Galmudug waftiga uu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Sanataro, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasaaraddaha Galmudug. Waxaa xusid mudan Qabsoomida qado sharaftan waxaa qayb wayn ka qaatay Guddoomiyaha gobolka Mudug.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland