Madaxweynaha Jubaland oo gaaray magaalada Garoowe si weyna loo soo dhaweeyey
December 28, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland iyadoo Madaxweynahu uu ka qaybgalayo Kulanka Madasha Aragti wadaaga ee The Heritage Institute for Policy Studies.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo Masuuliyiin kale.
——-Dhamaad——