Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqay in si deg deg loo soo qabto dhagarqabe dil ka geystay Qardho.[Video]
January 25, 2021 - Written by EditorQardho:-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta kula hadlay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa si adag u canbaareeyey nin xalay lagu dilay magaalada Qardho waxaan uu ugu baaqay laamaha amniga, Maamulka Gobolka Karkaar , maamulka magaalada Qardho in ay soo qabtaan dhagarqabayaashii dilka geystay.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay Issimada , Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Karkaar in si wada jir ah looga soo horjeesto dilalka ku salaysan qabiilka lagana fogaado in colaad laga dhex abuuro beelo walaalo ah oo wada degan Gobokka Karkaar.
M_M_Deeq
Halgan.net