Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hortimid guddiyadii doorasho oo ay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland
January 28, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Afrax ayaa ka soo horjeestay gudiyadda doorashada ee ay xalay magacaabeen Puntland iyo Jubbaland waxaan uu xusay in aysan jirin wax Liis magacyo ah oo gudi doorasho oo heer Federaal ah ka soo gaaray Puntland iyo Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisinta dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Afrax ayaa sheegay in aysan sax aheyn hanaanka ay Puntland iyo Jubbaland ku magacaabeen guddiyadii doorashooyinka.
Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Afrax.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net