Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid muddo kordhinta uu sameeyey golaha Shacabka
April 12, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka DFS Cabdi Xaashi ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah maanta ugu sameeyey hay’adaha dowladda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka DFS ayaa warmurtiyeedka uu soo saaray wuxuu ku yiri “Go’aanka halka dhinac ah ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go’aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u baalmaray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.”
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedkii uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka DFS Cabdi Xaashi
no images were found
Halgan.net