Madaxweynayaasha dowladda Puntland iyo Jubaland oo ku kala laabtay Garoowe iyo Kismaayo
April 13, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni iyo Wafdiga uu hoggaaminayay ee muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho,ayaa galabta dib ugusoo laabteen Garoowe ka dib markii uu fashilmay shirkii wadatashiga qaran ee ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ay ku soo dhaweeyeeyngaroonka Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa u gudbay guriga Madaxtooyada dowladda Puntland waxaan ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland ay sheegeen in wadatashi Golayaasha dowladda Puntkand ka dib uu soo bixi doono mowqifka rasmiga ah ee ku aadan mud kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo golyaasha kale.
Dhinac kale Madaxweynaha dowladdaJubbaland ayaa isagan sidoo kale dib ugu laabay xarunta KMG ee Jubaland ee Kismaayo waxaan la filayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo go’aanka rasmiga ah ee Jubbaland ee Mudo kordhinta loo sameeyey Madaxweynah Dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo Golyaasha kale.
M_M_Deeq
Halgan.net