Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ oo kulan uga socdo Teendhada Afisyooni
April 17, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa uu shir gaar ah kula leeyahay Teendhada Afisyooni Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+, Shirkan ayaa ah kii u horreeyay ilaa iyo intii uu fashilmay shirkii wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ee ka socda Teendhada Afisyooni ayaa yimid ka dib qoraalo badan oo diidmo ah oo ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ka dib markii golaha Baarlamaanka ee waqtigoodu dhamaaday ay mudo kordhin 2 sano ah u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah uga ka hor-yimid muddo kordhinta loo sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo golyaasha dowladda federaalka Soomaaliya waxaan ay ugu baaqeen dhamaan madaxda Soomalida in ay dib ugu laabtaan wada hadalka iyadoo gundhiga looga dhigayo heshiiskii 17 September.
A/cawaale
Halgan.net