IGAD oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada hadalka DFS iyo Saamileyda siyaasadda Soomaaliya
April 21, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Urur goboleedka IGAD ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka ka dhexeeya DFS Ivo saamilayda siyaasada Soomaaliya,
Warmurtiyeedka ay soo saartay IGAD waxay ku sheegtay in Wadahadalku uu yahay geedi socod muhiim ah oo sababti kara kalsooni iyo dhammaystirka dhammaan arrimaha carqalada ku ah Doorashada dalka .
Urur Gobaleedka IGAD ayaa qoraalkeeda ku tiri ”IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,”
Ururka IGAD ayaa warmurtiyoodkooda ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan.
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka IGAD ka soo saareen arimaha Soomaaliya.
no images were found