Wasiir Dubbe:”War-murtiyeedka Midowga Afrika Waxaa Tafatire ka ahaa Kenya iyo Jabbuuti”.[Video]

April 24, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaliya Osmaan Dubbe oo shir Jaraa,id ku Qabtey Xaruunta wasaarada warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaliya ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale waxaa uu eedeeyey Dowladaha Kenya iyo Jabuuti isagoo ku eedeeyey in labo qodob ay ku darsadeen warmurtiyeedkii ka soo baxay ururka Midowga Afrika.

Wasiirka warfaafinta Dowlada Federaalka somaliya Osmaan Dubbe xilgaarsiinta ayaa soo dhaweeyey in Midowga Afrika ay Ergey u soo diraan dalka Soomaaliya si uu ugala shaqeeyo Madaxda Soomaalida si ay is afgarad buuxa ka gaaran arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa ay dareen iyo su’aal ka muujinaysaa hadalkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika (PSC) ku cambaareeyey go’aankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee 12kii April ee ku saabsanaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah iyo metelaad shacab oo dhammaystiran.

Ma jiro Urur caalami ah, ama Urur goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan Baarlamaan dal madaxbanaan. Arrintaas waxan u sheegaynaa in aanay ahay sharci DFS ma soo dhoweynayso hadalkaa

Dowadda Soomaaliya oo horay u codsaday in Midowga Afrika ay kaalin ka qaataan khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya balse Midowga Afrika ayaa diiday mudo kordhinta loo sameeyey Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoona arrinkaas ku taageeray xubnaha beesha caalmaka ee ay ka mid yihiin UK. UN ,Yurub , IGAD.

A/cawaale
halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online