Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay wada hadal[Video]
April 26, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble oo saaka la hadlay saxaafadda ayaa xusay in uu aad uga xun yahay wixii dagaalkii shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo khalkhal geliyey nabadgelyada iyo amniga magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu faray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gutaan waajibkoda ka saaran sugid amniga ay ka hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara amniga
Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay wada hadal iyo is afgarad in lagu dhameeyo dhibta dhacday waxaan uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay wadahadal iyo xal in loo helo dhibka dhacay.
Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka guud ahaan gaar ahaan magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net