Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo taageeray Warmurtiyeed ka soo baxay Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle
April 27, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay war-murtiyeedka ay soo saareen Dowlad Goboleedyada Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle ay ku diideen muddo kororsigii sharci darada ahaa Dastuurka Dalkana baal marsanaa.
Sidoo kale Guddoomiyahu wuxuu soo dhaweynayaa War-qoraalka Xafiiska RW Mohamed Hussein Rooble ee ah in Dalka Doorasho loo jiheeyo.
Guddooniyahu wuxuu u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay, waxa uuna ku boorinayaa dhammaan masuuliyiinta in ay qaataan doorkooda masuuliyadeed si dalka loogu jiheeyo doorasho wadar-ogol ah oo ku dhacda jawi nabdoon.
Email:- Media@senate.govso
Twitter:- @AqalkaSare
Website:- www.senate.gov.so