Ciidanka Sirdoonka Danmarka PET oo 2 soomaali ah ku xiray Aarhus
May 29, 2012 - Written byCiidanka Sirdoonka ee dowllada Danmark ayaa waxaa xalay ay xireen 2 wiil oo Soomaali ah oo da’aadooda lagu qiyaasay ilaa 18 sanno ilaa 23 sanno . Ciidanka Sirdoonka ee dowllada Danmarka ayaa waxaa 2-daan wiil mid kood ka qabteen garoonka diyaaradaha e magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark halka midka kalena ay ka qabteen guri uu deganaa oo ku yaal magaalada Aarhus ee caasimada labaad ee Dalka Danmarka.
Madaxa ciidanka sirdoonka ee dowllada Danmarka PET Hans Jørgen Bonnichsen oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in labadaan wiil ee la qabtay ay yihiin Soomaali deganaa dalka danmark mudo 16 sano ah haystana dhalashada dalka Danmark. Hans Jørgen Bonnichsen Madaxa Sirdoonka PET ayaa sheegay in wiilashaan looga shakisan yahay in ay rabeen in ay fuliyeen fal argagixiso walow aysan cadayn noociisa balse waxaa uu sheegay in looga shakisan yahay in mid ka mid ah labada wiil uu tababar ku soo qaatay mid ka mid ah goobaha ay Al-shabaab ku tababaraan ciidan kooda.
Ciidanka Sirdoonka ee PET ayaa sheegay in ilaa caawa ay waraysan doonaa labada wiil ee ay xireen si ay u ogaadaan danbiga lagu soo eedeeyey , ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay qoyska Soomaalida ah ee wiilashooda la xiray.
Source TV2.dk