Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir oo ka bad-baaday dil.
July 10, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay 9 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ka dib markii qarax lala beegsaday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, balse uu khasaaro leh dhimasho iyi dhaawac uu gaarsiiyey dad raid ah ee ka ganacsanayey Isgoyska Banaadir.
Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo ”
M_M Deeq
Halgan.net