Madaxweynaha Jubaland oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

April 1, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Dhammaan shucuubta muslimka ah Ummada Soomaaliyeed iyo shacabka Jubaland ugu Hambaleeyay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag uu dalku ku jiro oo ay kamid yihiin abaaraha iyo doorashooyinka oo uu rajo Wanaagsan ka muujiyay inay si nabdoon oo Wanaagsan ku dhamaan doonan.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaatan afurinta dadka walaalahood ah ee aan waxba haysan isla markana bishan ay tahay mid barako iyo khayr badan oo ku jiro caawinta dadka tabaalaysan.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu faray hay’adaha ku shaqada leh inay canshuur dhimis u sameeyaan waxyaabaha aas aasiga ah inta lagu guda jiro bishan barakaysan isagoo sidoo kale ku booriyay ganacsatada inay dhowraan qiimaha saxda ah ee maciishada noocyadeeda kala duwan gaar ahaan shidaalka iyo rashiinka si looga fogaado sicir barar ku yimaada waxyaabaha daruuriga ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online