Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo bogaadiyey hanaanka dimuqraadiyadda Puntland ka hirgashay

April 11, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa boggaadiyay hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo si wanaagsan u socda iyo Golaha deegaanka cusub ee degmada Qardho oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen.

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland-ba Waxaan u hambalyaynayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee degmada Qardho iyo labada Urur ee Mideeye iyo SINCAD oo ay kasoo baxeen muujiyeyna dedaal dheeri ah.

Sharaf bay u tahay dowladda iyo shacabka Puntland in maanta si dimuqraadiya loo dooranayo maamul degmooyin, taas oo ah natiijo aynu ka dhaxalnay sidii aynu gacmaha isu qabsanay doorashadii 25-Oct-2021.

Ururada Siyaasada, Guddiga kumeel gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha Arrimaha doorashooyinka, Bahda Warbaahinta, Ciidamada Amniga, Ururada bulshada,Shacabaka reer Puntland iyo cid walba oo qaadatay doorkeeda wanaaga waan uga mahadcelinayaa.

Maanta waxaynu joognaa bilow fiican oo aynu kusoo gaadhnay isku duubni loona baahan yahay inaan hore uga socono, sidaas darteed waa inaan u istaagnaa sidii aynu u gardaadin lahayn nidaamkan curdinka ah.

Gudoonka cusub ee la doortay waxaan rajaynayaa inay sii dar-dar geliyaan shaqada degmada dadkoodana ugu adeegaan si daacad ah xilkasnimona ku dheehan tahay.

Alle ha idiin fududeeyo masuuliyada aad qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online