Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo kulan la qaatay saraakiil ka socday European Union.
April 12, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socday European Union. Kulanka waxaa Taliyaha ku weheliyay Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur,Hogaanka qorshayta iyo tababarada booliska G/Sare Kismaayo,G/sare Axmed Cabdi Sugulle Kaaliyaha Xafiiska taliyaha iyo saraakiil kale.
Shirka ayaa looga hadlay sidii Dib udhis loogu samayn lahaa ciidanka booliska Puntland islamarkaana aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.
Taliyaha ciidanka booliska DPl S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo saaraakiisha ayaa si qoto dheer uga wada hadalay sidii loo heli lahaa dugsi tababar oo casri ah kaas oo lagu tababa baridoona ciidanka badda booliska DPL shirka ayaana ku soo dhamaayday guul.
no images were found
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland