Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay kulan looga hadlayo amniga guud iyo kan Doorashada dalka .
April 27, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayo amniga guud ee dalka iyo kan Doorashada oo ka dhacay xarunta saldhiga Booliska ee AirPort -ka Aadan Cadde.
Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS.
—–DHAMMAAD——
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND