Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
November 8, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta laba xubnood oo kamid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey inay si cadaalad ah oo hufan u gutaan masuuliyada saaran.
Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cali Dhagacade iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh.
——-DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.