Raiswasaaraha JFS Xamse Cabdi Barre oo galabta booqday magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
November 9, 2022 - Written by EditorJabuuti:-Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Jabuuti, ayaa galabta booqday magaalada Carta oo ah magaaladii dib loogu yagleeyay dowladnimada Soomaaliyeed sanadkii 2000.
Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga la socda ayaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay magaalada Carta, oo bulshada Soomaaliyeed ay ku xusuustaan gogoshii nabadeed ee xilliga dheer ka fidsaneyd ugu dambeyna horseeday dhisitaanka dowladdii KMG ahayd.
Dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa ilaa xilligaasi oo maanta laga joogo 22 sano waxay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taagnaayeen taageero dhinac waliba ah, taasi oo ka marag kacaysa xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti
—–Dhamaad—-