Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maddoobe oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
March 6, 2014 - Written by EditorAddis:-Wafdigii Jubba ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa uu saaka kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Haile-mariam Desalagn waxaan ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya guud ahaan gaar ahaa Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo qaybo ka mid ah ay weli gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.
Wafdigii Jubba ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa ay Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Haile-mariam Desalagn ay kala hadleen sidda loo maaraynayo gobollada ay hadda ku sugan yhiin Al-shabaab haddii ay gacantooda ka baxaaan maadaam ciidamada shisheeyey ee dalka haysta AMISON ay weerar ku yihiin gobolladda ay gacanta weli ku hayaan ururka Al-shabaab.
Wafdigii Jubba ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa waxaa kale oo ay Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Haile-mariam Desalagn ka wada hadleen arrimo ku saabsan shirarka ka socoda magaalada Baydhabo , hishiiskii maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo arrimo ku saabsan Federaaliisimka.
Wafdigii Jubba ee uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa ka codsaday dowladda Itoobiya in ay gacan ka siyaan arrimaha nabadgelayada , dhinac horumarinta iyo siddii maamulka Jubba uu si wanaagsan uga shaqayn lahaa dhamaan gobolladda maamulka Jubba ku magacaaban.
M_M_Deeq
Halgan.net