Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda DFS oo taageero ka codsaday wadamada Carabta (Masawiro)
March 11, 2014 - Written by EditorQaahira:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed wareegiisa 141-aad , kaasoo gelinkii dambe ee maanta la soo gaba-gabeeyay
Kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa waxaa loogu gogol xaarayay Shir madaxeedka hogaamiyaasha carbeed wareegiisa 25-aad oo ka socon doona Caasimadda Kuwait maalmaha 25-26 March .
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulankaasi khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto taageera maaliyadeed iyo mid milatari oo dhameystiran oo suuragelin karta tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya .
H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa ugu baaqay wadamada carabta inay kaalin muuqata ka cayaaraan howlaha horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya , isagoo ku booriyay inay dib uga furtaan Caasimadda Muqdisho safaaradihii ay ku lahaayeen .
Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxaa ka horeeyay fadhi ay yeesheen Safiirada iyo ergada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta , iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya uu kulankaasi uga qeyb galay danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna ergeyga joogtada ah ee u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud.
War murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed ayaa waxaa ay ku qireen taageeridooda dowladda Federaalka Soomaaliya .
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa mudadii uu shirka ka soconayay Magaalada Qaahira , waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Kuwait Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah , Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil El Araby , Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Masar Nabil Fahmy, Iraq Hoshyar Zebari , Sultanate Oman Yusuf Bin Alawi ,Comoros Dr. Al-Arif Sayed Hassan , Morocco Salahuddin Mizwar , Algeria Ramadan Lamamra
no images were found
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Bahrain Ghanim bin Fadhl Al-Buainain , danjirayaal iyo wakiilada hey’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee shirkaasi lagu cazuumay, waxa uuna kala hadlay taageerida hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , si dowladdu ay ugu guuleysato hindisaheeda horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda