Booqashadii Siilaanyo ee Laasqoray oo xiisad ka dhex abuurtay Puntland iyo S/land
March 16, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa booqasho qarsoodi ah saaka ku tegay Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Madaxweynaha S/land ayaa waxaa uu booqasho ku tegay Dekadda iyo Isbitaalka magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaana uu sheegay in ay dayactiri doonaan. Socdaalka Madaxweynaha S/land uu ku tagay Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku weheliyey wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Maamulka S/land.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa ayaa waxay ku sugnaaayeen Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag saacado ka dibna dib uga laabtay Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Socdaalka Madaxweyne siilaayo ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland waxaana ay ku tilmaameen mid daandaansi ah.
Wasiirka warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in booqashada Madaxweyne Siilaanyo uu yahay mid lagu abuurayo colaad dhex marta dadka shacabka iyo labada Maamul.
Maamulka S/land ayaa waxaa ay Puntland dhowr mar ku eedeeyeysay in ay shido ka wado deegaanada gobalka Sool iyo in ay taageero u fidiso kooxaha Al-Shabaab ee Buuraha Golis ku dhuumaaleysta. War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ka digayso isku dhac laba maamul ee deriska ah wuxuuna u qornaa sidan:-
Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Dowlada Puntland
Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo katirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daan-daansi iyo xad-gudub lagu soo xad-gudbay xadduuda Puntland.
Punland waxay diyaar u tahay inay difaaacdo xadduudeeda islamarkaasna waxay ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed iyo shacabka dariska ah.
Cabdiweli Xirsi Cabdille
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta
M_M Deeq
Halgan.net