Madaxweynaha DFS oo soo gaaray Nairobi kuna sii jeeda magaalada Muqdisho.
March 16, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana halkaas ku soo dhaweeyey safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo).
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud safar shaqo dhowr maalmood ku joogay dalka Jaban waxaana socdaalkiisa ku weheliyey qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in socdaalkiisa uu guul ku soo dhamaaday dowlada Jabana ay ka caawin doonta dowlada Soomaaliya dib-u-dhiska dalka.
A/Cawale
Halgan.net