Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed oo socdaal dacwo ku joogo Qatar.
March 18, 2014 - Written by EditorQatar:-Sh. C/naasir Xaaji Axmed (Abu Muxammad) oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano gudaha dalka Somalia, gaar ahaan waqooyiga dalka, xaruntiisuna tahay magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu socdaal dacwadeed ku tegay dalka Qatar halkaas oo lagu wado inuu muxaadarooyin u jeediyo bulashada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.
Safarka Sheekha uu ku joogo wadanka Qatar ayaa wuxuu ka mid yahay safaro dacwo oy Culimada Soomaaliyeed ku soo booqanayeen jaaliyada Qatar sanadahan dambe. Sheekh Cabdinaasir wuxuu ka mid yahay culimada dacwada mudada dheer ku soo jirey. Sidoo kalena aqoonta durugsan u leh diinta islaamka, sida uu dardaarmay sheekha Soomaaliyeed Sheekh Shariif Cabdinuur (Allaha ilaaliye).
Maalmaha Jimcaha iyo Sabtida 21/22/3/14 Salaada cisha ayaa lagu balansanyahay inuu sheekhu muxaadarooyin ka jeediyo Qaacada Markazka Sheekh Cabdalla Bin Zaid Aal-Maxmuud(Fanar). Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu muxaadaro khaas ah u qabto shaqaalaha Soomaaliyeed ee Shirkada Turkiga ee takfin oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 200 oo qof.
Waxaa xusid mudan inay jaaliyada Qatar ku biirtey meelaha ay culilmada Soomaaliyeed soo booqdaan dacwad ahaan walow culimo badan oo aqoon u leh culuumta diinta ay ku suganyihiin Qatar.
Barnaamijkan culimada Soomaaliyeed ku imaanayaan Qatar ayaa wuxuu yimid ka dib markii ay soo baxday kala daadsanaan xagga dacwada ah iyo is dhigasho aad moodid inay ka timid ku kadsoomid lugu kadsoomay ku dhex noolashaha wadan Muslim ah, taas oo keentay in dad badan ay gabeen barashada cilmiga iyo ka qayb galka muxaadaraadka diiniga ah.
Ugu danbay waxaa xusid mudan kaalinta muhiimka ah ee ay kaciyaraatay wasaaradda arimaha diinta ee wadanka Qatar(Awqaf) abaabulka dacwada jaaliyaadka muslimka ah ee ku dhaqan dalka Qatar, iyadoo gacan weyn ka gaysatay fududaynta booqashooyinka dacwada ee culimadu kuyimaadaan wadanka, oo isbuuc kasta marti galiso culimo ka kalayimid dunida dacallaheeda.
Sheekha marka uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Doha. ayaa waxaa soo dhaweeyey culimo iyo ducaad uu ka mid yahay Dr. Cumar Warsame.
Adam Abuzuhri
<abuzuhri1@gmail.com>