Nadwo ka socotey Boorama oo gashay habeenkeedii 3aad.[Masawiro]
March 20, 2014 - Written by EditorBoorama:-Nadwo cilmiyeedkii diiniga ahaa ee ka socotay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Aw-dal ayaa waxaa ay gashay habeenkeedii saddexaad iyadoo Nadwadaan ay soo diyaariyeen ururka dhalinyarad ee Badbaado.Habeenkii xalay ayaa waxaa Nadwadaan muxaadaro uu ugu magacdaray ”Waxyaabaha sababa in ay dhalinyardo weecdaan ama inxiraafaan waxaa jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Xassan Sh.Maxamed Shiino.
Sheekh Maxamed Shiine ayaa waxaa uu ka mid yahay ducaada degan dalka Ingriiska gaar ahaan magaalada London. Sheekha ayaa inta badan marka uu yimaado magaalada Boorame waxaa uu ka jeediyaa muxaadaraad lagu wacyi gelinayo bulshada ku dhaqan magaalada Boorame.
Muxaadarada uu jeedinayey Sh.Maxamed Shiine ayaa waxaa aad uga soo qayb galay dad weyne fara badan oo aad u xiisaynayey muxaadarada Sheekha oo inta badan dalka dibada uga maqnaa. Muxaadarada ayaa waxa uu sheekhu aad ula hadlayay dhalin yarta isagoo tusaalooyin iyo wanoooyin siinaayay. Muxaadarada ayaa waxa ay qabsoomtay xili loo baahnaa in dhalin yarta lala hadlo oo laga waaniyi inxiraafka ay ku jiraan iyaga oo ay sii badanayso Tahriibka dhalin yarta haysata iyo fahan la’aanka haysata dhinca noloshaba.
no images were found
Gaba gabadii muxaarada ayaa waxa uu sheekhu dhalin tii soo buux dhafisay Masjidka siiyay talooyin iyo dar daaran guuud oo ay ku horumari karaan haday ku dhaqmaan.
Ururka dhalinyarad ee Badbaado.
Boorame, Somalia