Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jen Zakariye Sheekh Ibraahim oo soo gaaray Muqdisho
March 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa maanta wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Salah Annadif.
Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu cisbitaalka ku booqaday ciidamada dalka Jabuuti ee ku soo dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Buula-burte wuxuuna alle uga rajeeyey caafimaad degdeg ah.
Zakariye Sheekh Ibraahim Taliyaha ciidamada dalka Djibouti ayaa waxaa uu u ballan-qaaday in ciidamada Jabuuti daryeel iyo kaalmo dhinac walba leh.
Taliyaha ciidamada Djibouti ayaa warbaahinta la hadlay intaaas ka dib waxaana uu sheegay in ciidamada Jabuuti ay sii kordhin doonaan taageerida shacabka Soomaaliyeed iyo DFS ayna wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu galabta kulan balaaran la qaatay taliyaha ciidamada Midowga Afrika Silas Ntigurirwa ,iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Salah Annadif waxayna ka wada hadleen arimaha amniga Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net