Tababarkii ugu horeeyey oo Shahaado lagu qaadanaayo ee u qabtay C/fataax Cajab.[Masawiro]
March 22, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Tababare C/fataax Max’uud Ducaale Cajab Ayaa tababarkii ugu horayay ee shahaadu lagu qaadanaayo ku qabtay Boosaso tabarkaas oo ka dhacay Mac-hadka ABUU HURAYRA oo ah mac-hadka hawshaan fulinaayay asagu , Tababarkaa waxaa ka faa’idaystay arday aad u tira badan oo isugu jira ardayda jaamacadaha , macaahida iyo kuwa dugsiyada sare , shahaadada tabarkaan lagu baranaayay sidaad u khulaasayn lahayd buugta si aad si sahlan ugu xifdido ayaa waxaa bixinaaya Markazka Axmed Quduus ee dalka Masar .
Tababarkaan markii hore ardaydu waxay qateen sidda loo samayo Mindmapping (طريقة رسم الخريطة الذهنية) ka dibna ardayda ayaa kooxa loo qaybiyay oo loo dhiibay buug aysan waligood arag , waxaana laga dalbaday inay ku soo koobaan mudo 30 daqiiqo ah uguna badalaan hab sawir iyo qoraal ah ama Map ah .
Markii kowaad ardaydu waa ku guulaysteen waxayna soo bandhigeen nuxurkii ay sameeyeen isla galabtiina ardaydu waxay qaateen buug labaad oo kii hore ka badan oo asna aysan ardaydu horay u arag . Gabagabadii barnaamijka waxaa kalmad lasiiyay maamulaha Mac-hadka Abuu hurayra Sh.Axmed Faarax warsame ( Garaase ) asagoo uga mahadnoqay waxaa u soo kordhiyay tababare C/fataax Cajab oo ah mashruuc laga faa’iday una baahan in intaan ka badan laga sii qaato.
Waxaa kale oo isna kalmad qaatay gudoomiye ku xigeen Mu’asasada al-minhaaj Ciise Siciid Maxamed asagoo mahad balaaran u jeedshay Maamulka Mac-hadka Abuu Hurayr oo asagu dadaal dheeraada ku bixshay sidii ay u suurta geli lahaayeen tababarkaan iyo kuwa la mid ah oo horay loo qabtay , wuxuu kale oo u mahadnaqay xubna firfircoon oo ayana kaalin lixaadle kaga jiray fulintaanka barnaamijkan .
no images were found
Isku soo wada duub oo waxaa lays oran karaa Ustaad C/fataax wuxuu baryahan soo kordhiyay baraarug horumarinta bulshada ah dhankastaba.
Halgan.net