Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Baydhabo
March 30, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wafdi uu horkacayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana socdaalkiisa ku weheliya Wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaana si weyn ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay u adkeeyeen amaanka Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka socda xiisad siyaasadeed iyo Maamulo kala duwan oo looga dhawaaqay magaalada Baydhabo taas oo khalkhal galisay amaanka magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud inta uu joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidanka, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada iyo saraakiisha ciidanka AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net